Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Maqaayada The Vilagge

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo caawa maqribinimadii ka dhacay afaafka hore ee maqaahida The Village oo ku taalla wadada isku xirta Isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho ka mid ah ayaa waxaa loo addeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay baarkin gaadiidka la dhigto oo ku yaalla Maqaayada horteeda sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ugu yaraan labo ruux ayaa qaraxaasi ku dhaawacmey, waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka ee magaalada, waxaana sidoo kale qaraxaas uu khasaare burbur u geystay gaadiid kale oo baakinka ku jiray.

Xiliga uu qaraxu dhacayey ayaa la sheegay in dadku ay ku jireen tukashada salaada maqribka taasooo yareysay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkan

Ciidamada amaanka dowlada federalka oo gaaray goobtaas ayaa xiray wadooyinka gala Maqaayada, iyagoo halkaas ka wada baaritaano.

Faracyo Maqaayada The Village ay ku laheyd Magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale waxaa horey loola beegsaday qaraxyo ismiidaamin ah oo sababay in qaarkood la xiro, waxaana masuuliyada weeraradaas sheegatay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com