Faah faahino kasoo baxaya dil xalay loo geestay Nabadoon Caan ahaa

Kooxo hubeesan ayaa xalay xaafada Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxa ay ku dileen Nabadoon caan ka ahaa halkaasi, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Goobjoogaaal ayaa ku waranay in nabadoonka dhoor xabadood lagu dhuftay, waxaana durba goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeesnaa oo la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magaacabayay Nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, waxa uuna ahaa Nabadoon caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa xalay ilaa saakay howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii dilka geestay ka wada xaafadaha kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay maamusho Puntland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qprsheesan oo loo geesto waxgaradka, masuuliyiin iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee ku dhaqan, waxaana inta badan baxsada dadka dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com