Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018 Qore: Abdulkadir Ali Bolay 

Sida la wada ogsoon yahay maanta oo ah maalin weyn kuna beegan 58 guuraddii qaranimadda  soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur  ahna maalinta israaca labada gobol.

Waxaa  xusid mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah   qiimo iyo qadarin ba  ugu fadhido ummadda soomaalyeed meel kasta oo ay joogaan, waa laba munaasabadood oo waa weyn  oo aan marna la ilaabi Karin.

Waxaan halkaani hambalyo uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda, waxaan leeyahay waa maalin weyn, waa maalintii xorniyada , runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin  oo ku weyn quluubta shacabka soomaaliyeed, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay  waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay, waa maalintii geerida ka doornay gunimo iyo gumeysi.

Faraxaddaasi weyn waxaa gabaykii qiimaha badanaa ka soo jeediyey abwaan Cabdulllahi Suldan Timacadde habeenkii calan saara oo markii ugu horaysay laga qotomiyey gobolka waqooyi eryaddii qiimaha badanaa oo halkaasi uu ka soo jeediyay waxaa ka mid ahaa, “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW, AAN SIDUU YAHAY EEGNO E KANA SIIB KANA SAAR” oo ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga siibo isla markaasi la taago calankeykii buluuga oo dhexda kaga taalay xidigta cad ee shanta gees leh, runtii farxadda halkaasi ka dhacday lama soo koobi karo balse waxaa dareemi karaa xiligaasi qofkii goob joog u ahaa.

Shacabka soomaaliyeed wuxuu u han weynaa in maalin maalmaha ka mid ah uu arko soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee  waxaa nasiib  daro ah  muddo dheer ka dib halgankii iyo hilimiladdii shacabka waxay isku bedeshay in Jamahuuriyaddii Soomaaliyeed ay u kala baxaan 5 qayb oo lagu magac daraday “Lands” waa nasiib daro oo aan marna dadweynaha soomaaliyed usan  fileynin arrinkaasi waxa ay meel ka dhac ku tacay halgankii xorniamdda waa arrin murugo leh  laakiinse faraxa gelineysa cadowga ummadda soomaaliyeed.

Arrimaha aan kor ku soo xusay oo ah kala goboleysiga iyo taga shacabka soomaaliyeed waxay ahayd siyaasaddii gumeysiga uu ka tagay “Ayax tag eela na reeb” qorshihii gumeysgia dajiyey muddo dheer ka dib maanta ayay u suurta gashay markii uu helay kuwa aan damiir lahayn oo soomaalinimadda qiimo ugu fadhinin balse halis ku ah in ay ciida soomaaliyeed gacanta u geliyaan gumeysiga Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay  salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga  balse  waxaa ayaan  daro ah in gacamaha  dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay hase yeeshee waxan ilalahay ka rajayneynaa inta ay jiraan damiiir soomaaliyeed oo aaminsan waddaniyadda qiimaha uu leeyahay in ay dib u soo noqoto hilimadii iyo halganii dhallinyaadda soomaaliyeed SYL oo ahaa in la helo Soomaali weyn“Pan Somalism” oo mideysan

Waxaan dhab ah in xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har  weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xorinimadau  waa qaali  ma ah mid ku timid si fudud balse waxaa loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah waxaan runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn sidaasi darteed waxaa dhallinta  soomaaliyeed laga filayaa in aysan marnau ogolaanin in ciidooda iyo calankoodda loo hibeeyo cadawga soo jireenka ummadda soomaaliyeed. Soomaali weyn waxaan ka digayaa damaca gumeysiga cusub iyo kuwa kaba qaadka u ah waxay mar walba isku dayaan in shacab soomaaliyeed ay kala qayb qaybiyaan iyagoo oo fushanaaya danahoodda gaar ah isla markaasina waxay mar waliba ka shaqeynayaan in ay soomaaliya ay dib dambe ugu soo noqonin midnimaddii iyo awooddii ay shalay lahayd taasoo lagu tilmaami jiray Libaaxyaddii Geeska Afrika.

“Midnimado waa awood kala tagu na waa burbur” Soomaaliyeey ha laga fiiraddo Nidaamka cusub Federal systmen of government oo shacabka soomaaliyeed sanka laga geliyey iyadoo aan afti loo qaadin aqoon ku filan na aysan u lahayn ummadd soomaaliyeed nidaamkaasi  goboleysiga qaab dhaqmeydkiisu uusan weli diyaar ahayn, runtii waa arrin ka fiirsasho muddan maxaa yeelay talo aan la ruugin waa lagu rafaaddaa ee soomaaliyeed arrintaani indho fara badan ha loo yeesho.

1da Luuliyo waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo galay  oo naf iyo maal ba loo huray,  taasoo  dad badan ayaa dhiigooda ugu hibeeyey sidii loo gaari lahaa xornimo taam ah . Sidaasi darteed  halyeeyadaasi naf iyo maal ba u huray sharafta maanta aynu haysano  waxay naga mudan yihiin in aan xusno isla markaasi na aan u duceyno inuu janaddii firdoosa ahay Eebbe ka waraabiyo .

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin qoraalkaani  laakiinse waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.

Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey   shirweynii ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga  iyadoo  4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka  muddo 10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo .

1dii April 1950kii Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

12kii Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya

1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

29kii April 1956dii waxaa la qabtay doorashooyinkii  siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay  , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .

7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir

1959kii CABDULAHI CIISE
 uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir .

12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo

1da Luuliyo 1960kii
 oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .

Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein .

Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Muddan Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .

Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.

Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo  21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa hantiwadaaga cilmiga ku dhisan .

26kii Janaayo 1991kii oo  ahayd maalintii ay dhacday maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed Siyaad Barre,   ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta. Markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta aysan weli si rasmi ah uga soo kabsanin xanuunkii faraha badnaa ee ay soo martay waxaan dawladda maanta jirta ka fileynaa in ay dib u hanato haybaddii iyo sharaftii Soomaaliya ay adduun weynaha ku lahayd 

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay dhulka  soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha soomaaliyeed aan ka qarsooneen , sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga cusub  oo ah in ay boobaan badda weynta soomaaliyeed iyo khayraadka dhax jiifa isla markaasi aysan oggoleyn in soomaaliyeed ay dib cagaheedda isku istaagto oo la helo dawladda awood badan oo hogaanka u qabsata kana difaacadda dalka iyo dadka soomaaliyeed cidii ku soo xad gudubta ,”soomaaliyeey toos oo hurdad ka kac  sidii dalka looga badbaadiyo damaca gumeysiga, ugu dambeystii waxaan halkani baaq ugu soo jeedinayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed in ay midnimaddii iyo haybaddii qaranka soomaaliyeed in ay soo celiyaan

Abdulkadir Ali Bolay 
Email: [email protected] 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]