Maxaa looga hadlayaa shir Madaxeedka Jaamacada Carabta ee maanta ka furmaya Damaam? (Daawo Sawirro)

Hogaamiyayaasha dalalka Carabta ayaa kulan ku yeelanaya magaalada ku taalla bariga dalkaasi sacuudiga ee Damaam.

Kulankan ayaa ah mid sanadle ah oo ay yeeshaan ururka Jaamacada Carabta dowlada xubnaha ka ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah dagaalka daba dheeraaday ee  dalka Suuriya.

Dowladda Sacuudiga oo shirkani marti galinaysa ayaa ka codsatay wadamada Carabta inay xoojiyaan dadaaladooda looga hortagayo galaangalka sii kordhaya ee ay dowladda Iiraan ku leedahay gobolka.

Ergada wadamada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay ka wada xaajoodaan dhibaatooyiinka ka taagan Liibya iyo Yemen .

Tillaabadii dublamaasiyadeed ee ugu dambeeysay ee ay qaadaan wadamada Jaamacadda Carabta ayaa ahayd markii 2011 ay joojiyeen Xubinnimadii Suuriya ee ururkaasi.

Sidoo kulankan inta uu socdo ayaa dowladda Sacuudiga waxaa la filayaa inay dhexdhexaadiso Madaxweynaha Somalia iyo dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta oo shirkan ku wada sugan, si xal looga gaaro xiisadda Diplomaasiyadeed ee labada waddan ka dhex aloosan oo meel qalafsan mareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com