Itoobiya oo qaadatay go’aan taariikhi ah, soona afjartay colaadii kala dhexeysay Eritreya

Itoobiya ayaa shaacisay inay aqbashay heshiiskii nabada ee guddiga xuduudaha caalamiga ay soo jeediyeen sanado ka hor, kaasoo Eritreya u xukumay dhulka lagu muransanaa ee ku yaalla xadka labada dal.

Dowlada Itoobiya ayaa horey ugu gacan seyrtay go’aanka guddigan, balse hadda waxay sheegeysaa iney ay ka bixi doonaan dhulkii uu guddigaasi u calaamadiyey dawlada Eritreya si ay dhulkeeda ula wareegto.

Talaabadan ayey Itoobiya ku macnaysay inay uga gol leedahay si loo soo afjaro xiisadihii uu dhiiga badan ku daatay ee u dhaxaysay labada Dal.

Colaad xoogan ayaa u dhaxaysay labada dal tan iyo xiligii uu muran dhuleedku bilowday. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii ka soo baxday gudigii xadeynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray.

Itoobiya waxay xili hore diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, balse  waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa degaanka Badme oo halka labada dowladood ay colaadoodu ka bilaabatay

”Eretriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoo wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeena si loo soo celiyo Nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga talada Itoobiya haya ee  EPRDF.

Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la’aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Eretriya markii uu xilka qabtay.

Dagaalka horey u dhexmaray labada dowladood ayaa waxaa ku dhintay ciidamo ka badan todobaatan kun oo askari iyo qalab milateri, iyadoo dowlada Eretriya aysan weli ka jawaabin go’aanka Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]