Fariin Muhiim ah oo ku socota Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

Inkastoonan arag Heshiis lagu midaynayo Soomaaliya iyo Itoobiya ama Dekado loo saxiixay Itoobiyaa, haddanna waxaa u baahan in si taxadar iyo foojignaan leh looga fiirsado heshiis kasta ee lala galayo Itoobiya ama Dal Shisheeye. Haddii heshiis lala galayo Itoobiyo waa in maanka lagu hayo arrimaha soo socodo:

1)     Khilaafka Dhuleed, Dhaqan, Diin iyo taariikheed ee ina dhaxyaal anaga  iyo Itoobiya.

2)     Hammiga iyo hanqal-taagga Dhul ballaarsi ee Itoobiya. Fiiri Xuduudda Dhuleed ee  Itoobiya ka hor Qarnigii 19aad. Ethopia waxay dhacday ka hor isbalaarinteedii qarnigii 19aad m.

ü  Koofur Bari waxay xuduud kala lahayd Eritrea.

ü  Galbeed waxay xuduud kala lahayd Sudan

ü  Koofur waxay xad kala lahayd Imaaradii Jamawa.

ü  Bari waxay xad kala lahayd Somalia.

ü  Badka Dhulka waxay gaareysay 300600km2.

ü  Tirada dadka: 6milion.

3)     Qarni 19aad waxay Itoobiya ka koobnayd  5 Dowlad Deegaan(Wilaayadood):

ü  Tigree’

ü   Axmara ama Bagendar;

ü  Walayadi Walow: waxay ahayd walaaya Islami ah,

ü  Walaayadi Shawa, horay waxay u ahayd walaayadii Iifaat/Owfaat ee Islaamiga ahayd hase ahaatee waxay Itoobiyaanku qabsadeen Qarnigii 16aad M, waxaa kaloo jirtay wilaayad kale oo muslim ah oo lagu magacaabo Jaama oo ay Itoobiya la wareegtay 1935.

4)     In Ethopia marwaliba si joog dal balaarsi ah, ugu soo durkaysay dhulka soomaalida iyo qowmiyadihii kale ee ku noolaa Geeska Afrika sida Oromada iyo Cafarta, iyagoo oromada dhamaan wada qabsaday.Wuxuu hakad ku yimid isbalaarinta ethopia intii ay shaqaynaysay madax banaanidii somalida mudadii 30 sano ahayd.

5)     Colaadda soo jireenka ah inaga dhaxaysa

6)     Tirada dadeed, Cududda Ciidan, Istraatiijiyadda Fog, iyo Galaalan-galkeeda Siyaadadeed ee Caalamka iyo Saaxiibadeeda Dunida.

7)     sida uu yahay Xaalka Soomaaliya, marka la eego Midnimo, Dhaqaale iyo Awood Ciidan.

8)     Federaalka ku Dhisan Qabyaaladda, sadbursi iyo is-nacaybka dhaxyaal Bulshada Soomaaliyeed oo aan ahayn tii 1964, 1977.

9)     Baahida Itoobiya ee Dakadeed iyadoo maanka lagu hayo in ay Saamiyo ku leedahay Dakadaha Berbera iyo Boosaaso iyo haddii ay u baahato Dekadaha Baraawe, Hobyo iyo Kismaayo, maadama ay Ciidamo badani ka joogaan Gobolladaas, sidoo kale aanay jirin awood kale oo kula loolami karto Dekadahaas xiitaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

10)Tirada Ciidan ee Itoobiya ka joogto Soomaaliya oo haddii loo baahdo lagu qabansan Gobollada Koofureed ee Soomaaliya.

11)Tirada Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Soomaaliya, kuwa imaan doono iyo saamayntooda.

12)Ciidamada Badda Itoobiya oo noqonaya Ciidamada Badda Soomaaliya, maadaama aanay Itoobiya lahayn Bad. Raysul-wasaaraha xamar yimidna uu sheegay in Itoobiya ay samayn san doonto ciidan bad oo aad u awood badan…

13)Qorshaha Fog ee Itoobiya ee ay Diyaariyeen Xarumaha Baxsiga iyo Khubarada gaamurtay ee ay leedahay Itoobiya.

14)Raad-raac lagu sameeyo tallaabooyinka ay Itoobiya qaaday ee ku aadan arrimaha Soomaaliya, taxanaha dhacdooyinka cuuryaaminta qarannimada Soomaaliya sida Taageeriddi Jabhadihi Mucaaradka ku ahaa Dowladdii Soomaaliya, isku dirki qabaailka, Hogaamiya Kooxeedyadii, Hubki lagu layn jiray shacabka Soomaaliyeed.

15) Doorka Itoobiya ee Nidaamka Federaalaynta Soomaaliya, Gooni isu-taagga Somaliland.

16)Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Howlaha ay qabtaan.

Arrimahaas dhan marka la xeeriyo waxaa hubaal ah in Itoobiya qeyb ahaan u haysato soomaaliya, balse taladu waxay tahay in aan loo sharciyayn, loona xalaallayn hammigeeda guracan ee dhul-boobka ku dhisan.

W/Q Avv. Zakariya Ismail

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
[email protected]