Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Wasiir Abgaal !! (Daawo Muuqaal)

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu khadka Telfoonka kula hadlay Wasiirkii hore ee wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta maamulka Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal .

Wasiirkan ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu sadex jeer ku xanuunsaday lacago xaaraan ah uu sheegay in uu cunay mudo sadex sano uu Wasiir ahaa, waxa uuna Wasiirka dalbaday in laga cafiyo lacagaha sida qaldan uu ku cunay.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo munaasabad ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo khadka Telfoonka kula hadlay Wasiirka ku xanuunsaday lacag si khaldan uu ku cunay.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Madaxweynaha in uusan Wasiirka aqoon u laheyn uuna la hadlay iyaga oo wada jooga , waxa uuna xusay in Madaxweynaha u hamlabyeeyay Wasiirka runta uu ka hadlay iyo dhibaatada ay leedahay in xoolaha umada la iska cuno.

Halkan ka Daawo Hadalka Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com