Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha dibeda dalalka Itoobiya & Turkiga?

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay dhiggiisa Itoobiya, Taye Atske-Selassie  oo booqasho ku jooga Turkiga.

Waxaa la sheegay inay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo sida loo xoojin karo.

Turkiga ayaa iskaashi ganacsi iyo mid difaac la leh Itoobiya balse booqashada Taye Atske ee Turkiga ayaa ku soo aaday, xilli uu Turkiga diidday heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland oo u oggalaanaya Addis Ababa inay saldhig ciidan ku yeelato badda cas,

Taa beddelkeed Turkiga wuxuu ku dhaqaaqay inuu heshiis ku ilaalinayo xeebaha la galo Soomaaliya, laakin sida laga arkay safaaradda Itoobiya ee Turkiga oo kulanka labada wasiir ka hadashay, ma jirto heshiiska iyo diidmada Turkiga wuxuu u dhimay xiriirka labada dal, waxaana ay sheegtay in lagu soo qaaday kulanka hababka sare loogu qaadayo iskaashiga

- Advertisement -