Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali loo heysto inuu qarxin rabay kaniisada ugu weyn Roma oo xabsiga la dhigay

Ciidanka la-dagaalanka Maafiyadda iyo argagixisadda  dalka Talyaaniga ee DDA ayaa xabsiga dhigay Nin Soomaali oo lagu eedeeyey inuu falal argagaxisanimo qorsheynayey.

Ninkan ayaa la sheegay in sirdoonka dalkaas ay ka duubeen cod telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey  in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi lana qarxiyo.

“Aan bambooyin ku beerno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga Hakee ayey u taalla Kaniisadda ugu weyn. Ma waxay ku taal gudaha Rome” eereyadaas iyo kuwa kale ayaa ka mid ahaa codka laga duubay ninkan Soomaaliga ah sida ay faafisay Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Soomaaligan oo la xiray xilli uu doonayey inuu ka baxsado magaaladda Pari ayaan la shaacin magaciisa iyo Sawirkiisa, iyadoo boolisku ay sheegeen inuu xiriir la lahaa kooxda Daacish ee ka howlgasha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Jabhadda ONLF oo eedeyn kulul u jeedisay maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo si kulul uga hadashay Culimadii lagu laayey Raage-ceelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---