Wasiir hore oo loo xiray Lacag uu xaday kuna galay Aroos iyo hadal heyn ka dhalatay

Ciidamada kahor taga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ee dalka Malawi ayaa xabsiga dhigay Wasiir hore uga tirsanaa xukuumada dalkaasi oo lagu eedeeyay in lacag uu uu xaday kadibna aroos ku galay.

Wasiirkii hore ee Waraabka dalka Mali Charles Mchacha, ayaa lagu eedeeyay in uu xaday lacag dowladu leedahay una adeegsaday in uu aroos ku galo kuna kireesto Hotel qaali ah uu ku qaatay maalmaha farxada arooskiisa.

Ciidamada kahor taga Musuq maasuqa dalka Malawi ayaa sidoo kale xiray labo sargaal kale oo katirsanaa dowlada, kuwaa oo iyana loo heesto in ay xatooyo iyo falal musuq maasuq ah ku kaceen.

Shacabka Malawi ayaa si weyn u hadal haya xariga loo geestay Wasiirka lacagta dadweynaha uu musuq maasuqay arooska ku galay, waxa ayna shacabku ku baaqeen cid kasta oo xatooyo sameesa in la ceebeeyo lana xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -