Nin ku eedeysan dilka taksiile Soomaali ahaa oo la soo taagay Maxkamada Trondheim

Maxkamada magaalada Trondheim ee dalka Norwey ayaa waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwada maxkamadeynta nin 40- jir u dhashay dalkaas oo ku eedeysan inuu si kama’ ah baabuur u jiirsiiyay, uguna dilay taksiile Soomaali ah.

Falkan ayaa bishii Disember ee sanadkii la soo dhaafay(2019) ka dhacay xaafada Ranheim ee degaan ahaan ka tirsan magaalada Trondheim. Waxaana wiilka taksiilaha Soomaaliga ee geeriyooday lagu magacaabi jiray Siidi Suudi Hassan oo 29 sano jir ahaa.

Haweenay saarneyd taksiga Siidi Suudi ayaa Maxkamada ka hor cadeysay in baabuurka wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ay qabsatay cilad dhanka taayarka (Shaaga), waxaana uu istaagay wadada isagaoo isku dayay inuu baabuurka ka baxo, si uu u hubiyo cilada qabatay. Balse waxaa isla markiiba jiiray oo dilay baabuur xamuul ah oo uu waday ninka maxkamada la soo taagay.

Xeer ilaalinta dowlada ee kiiska ku soo oogaya ninka ku eedeysan danbiga dilka ah, ayaa sidoo kale keenay markhaati afaraad oo ahaa darawalka waday baabuurka daba-socday baabuurka dilay taksiilaha soomaaliga ah. Kaasoo maxkamada kahor cadeeyay inuu darawalka baabuurka wax jiiray waday uu heystay waqti ku filan oo ku fal-celin karay ama uu baabuurka uga leexin karay dhinaca uu taagnaa taksiilaha geeriyooday.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka baabuurka wax jiiray waday uu adeegsanayay mobilkiisa gacanta, xiliga uu falka dhacay. Taasoo ka mashquulisay inuu la socdo waxa ka dhacayo hareeraha wadada uu marayay.

Qareenka u doodayo wiilka Soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa dalbaday in qoyska uu ka tagay marxuumka la siiyo magdhow gaarayo 375.000 kr.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -