Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo yeeshay shirkoodii ugu horeeyey (Sawirro)

Shirkii ugu horeeyey ee Golaha Wasiirada Galmudug oo uu Shir-Gudoomiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xegeenka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa Maanta ka qabsoomey Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Ajandaha shirka Gollaha Wasiirada ayaa maanta ku saabsanaa:

1- Isbarasho Guud iyo xil la wareegidda wasaaradaha.

2-Xogta wasaaradaha iyo qorshahe howleedka 100-maalmood ee soo socda.

3-Warbixinta xaaladda Amniga ee hadda taagan.

4-Dib u habeynta Guddiga Covid-19.

5-Qabanqaabada maalinta ciidda.

Baarlamanka Galmudug ayaa shalay ansixiyey golaha wasiirada cusub ee Galmudug oo tiradoodu aad u badan tahay, kuwaasoo iskugu jira Wasiiro, Wasiiru dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO TOOS: Go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Xoghayaha Hantidhowrka Maraykanka iyo Madax katirsan IMF iyo Bangiga Aduunka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Faransiiska (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---