Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal hub kala duwan la isku adeegsaday ayaa caawa ka dhacay xaafadda Tarbuush oo ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka u dhaxeeyo ciidamada Booliska DF iyo maleeshiyo degaankaasi degan.

Sida wararka qaar sheegayaan in maleeshiyo aan la aqoonsan ay weerar ku qaadeen Guri uu deganaa taliye ciidan oo magaciisa lagu sheegay Bille Af-dheere, kaasoo degan Xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir.

Rasaas saacad ka badan socotay ayaa labada dhinac is-weydaarsadeen, iyadoo aan faahfaahin buuxda laga bixin dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ee dagaalku qabsaday ayaa sheegay inay ka baxeen guryaha u dhow goobta lagu dagaalamay oo u badan kuwo ka sameysan jiingado aan ka difaaci karin rasaasta, ayna u baxsadeen xaafado kale.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalkii uu hadda istaagay iyadoo xaaladda ay hadda degan tahay.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kadib markii Caawa maqribtii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Xerada Xalane oo ku dhow xaafada lagu dagaalamay ee degmada Wadajir, kaasoo ay sheegtay Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -