Xog ku aadan Ujeedka Socdaal ay saakay ku yimaadeen Muqdisho Wafdi sare oo ka socda …

Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Thabu Mbeki iyo wafdi la socda ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada iyo Midowga Afrika.

Wafdigan uu hogaaminayo Thabu Mbeki oo kasocda Midowga Afrika ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda dowlada Federaalka, waxa ayna kala hadli doonaan arimo xasaasi ah ay kamid tahay xasiloonida gobolka iyo Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xubnahan saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ay madaxda dowlada kala hadli doonaan xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dacwada badda iyo sidii xal hoose looga gaari lahaa.

Wafdigan ka socda Midowga Afrika oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa kulamo lasoo qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madax kale , waxa ayna kala hadleen arimo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Thabu Mbeki iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika, arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Midowga Afrika ayaa doonaya in uu dhax dhaxaadin ka galo xiisada u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan muranka badda oo dacwadiisa ay taalo Maxkamada Caalamiga, Kenya ayaana dooneyso in kiiskaasi wadahadakl lagu dhameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -