Warqadaha Aqoonsiga oo laga gudoomay Safiirka Somalia u fadhinaya Itoobiya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoontay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Itoobiya Mudane Ali Sharif Ahmed.

Danjire Cali Shariif Axmed ayaa Madaxweynaha Itoobiya marka ay ka gudoontay warqadaha aqoonsiga waxa uu u gudbiyay Salaan uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay Danjire Cali in Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeeyo xiriir aad u fog ,  waxa uuna bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa iyo ahmiyada ay u leedahay labada bulsho ee Soomaaliya iyo Itoobiya in la abuuro isdhexgal dhaqaale.

Dowlada Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacawday dalka Itoobiya, waxaana safiirkan la filayaa in uu sii xoojiyaan xiriirka dowlada Soomaaliya kala dhaxeeya dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -