Qareenkii Madaxweyne Trump oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Michael Cohen ayaa xukunkan lagu riday kadib markii lagu helay danbiyo la xariira inuu been u sheegay danbi-baarayaasha iyo Kongareeska dalkaasi ee baaraya kiiska xiriirka qarsoodiga ah ee ka dhaxeeya Madaxweynaha Donald Trump iyo Ruushka.

Cohen ayaa lagu helay dhowr danbi oo ay ku jirto inuu lacag siiyey haween xiriir qarsoodi ah la lahaa Trump kahor doorashadii si aysan caqabad ugu noqon ololihii doorashada ee Trump, bixinta lacagtaasi ayaa ahayd mid si qarsoodi ah loo bixiyey lagana bixiyey lacagtii ololaha ee Trump, falkaasi oo ka horimaanaya sharuucda uu yaal Maraykanka ee lacagaha ololaha doorashooyinka.

Qareenka Trump ayaa sidoo kale lagu helay danbiga uu isaguba qirtay ee ah inuu been u sheegay danbibaarayaasha FBI-da iyo waliba Guddiyada Kongareeska Maraykanka oo su’aalo ka weydiiyey xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka, wuxuuna Maxkamada ka hor qirtay inuu been sheegay isagoo qariyey xiriiro toos ah oo dhexmaray Trump iyo Ruushka oo isagu wax badan ka ogaa.

Xabsiga lagu xukumay Qareenka Trump ayaa ah mid walaac weynku abuureysa Donald Trump, iyadoo ay jiraan xubno kale oo kamid ahaa kooxdiisa oo uu ku jiro xisaabiyihiisii hore oo iyaguna sugaya in maxkamada xukunto.

Michael Cohen oo ahaa ninkii u qaabilsanaa Trump xalinta hawlihiisa qarsoon ayaa la rumeysan yahay inuu xogbadan siin doono dabi-baarayaasha ku mashquulsan baaritaanada kala duwan ee la xiriira Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -