Guddoomiye Mursal oo shir xasaasi ah isugu yeeray guddiyada joogtada ee golaha shacabka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa galabta ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, waxaana diiradda lagu saari doonaa dejinta ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishan.

Waxaa kulankan uu ku soo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo dhalisay kala qeybsanaan soo kala dhex gashay xildhibaanada golaha shacabka iyo madaxda sare ee dowlada.

Gudoomiye Mursal ayaa xalay kulan albaabadu u laaban yihiin la qaatay Madaxweyne Farmaajo kaasoo looga hadlayey xiisada ka dhalatay kala dirista guddiga Maaliyada iyo fara gelinta dowlada ee doorashada Koonfur galbeed, iyadoo kulankaas la isku fahmi waayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -