Daawo Sawirada: Arday deeq waxbarasho ka heshay dalka dibadiisa oo xaflad sagootin ah loo sameeyay

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Xildhibaano  iyo Masuuliyiin katirsan Wasaarada Waxbarashada.

Masuuliyiimta iyo dadkii kale ee ka hadlay munaasabada sagootinta ayaa kula dar daarmay ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudaan in ay ka faa’iideestaan fursada ay heleen ayna u dhabar adeegaan waxbarashada.

Xildhibaan Yuusuf Xeeyle  oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto  sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.

Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa sanadkan deeqo waxbarasho kala duwan ka helay qaar kamid ah wadamada Soomaaliya ugu deeqa waxbarashada, waxaana deeqahaasi ka faa’iideestay arday badan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -