Puntland oo beenisay in DF lacag ugu deeqday dhismaha jidka Ceel-daahir (Akhriso)

Dowlad goboleedka Puntland ayaa beenisay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay lacag ugu deeqday dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in lacagta $1500,000.00 (Hal Milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar) ee Xukuumadda Federaalku sheeganayso iney bixisay ay tahay qoondadii Puntland ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub oo la soo mariyay dowladda Soomaaliya.

Qoondadaas ayaa sida war-murtiyeedka lagu sheegay dowladda Puntland dhammaanteed u leexisay jidka Ceeldaahir-ceerigaabo ee dhismihiisu socdo.

Puntland ayaa Villa Somalia ku eedaysay in laga la’yahay qoonadii Puntland ku lahayd lacag dhan $200 oo malyan Dollar, taasoo ay Soomaaliya ugu deeqday dowladda Qatar iyo lacago kale oo si joogta ah loogu soo qaato magaca Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa la sooo raaciyay lifaaq caddaynaya in lacagta$1500,000.00(hal malyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) a tahay qoonadii Puntland  ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -