Wararkii u dambeeyey wadahadalka Qaahira uga socda Xamaas iyo Israel

Xamaas ayaa goor dhow sheegtay inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadallada ka socda Qaahira, iyagoo intaa ku daray inaysan aqbali doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, sida ay sheegtay Al-jazeera.

Sarkaal Falastiini ah ayaa dhankiisa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in wafdiga Xamaas ee yimid Qaahira inay go’aan ku gaareen in heshiis la gaaro, laakiin ma aha inay qaadan doonaan heshiis walba, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Heshiiska waa inuu soo afjaraa dagaalka oo ciidamada Israa’iil laga saaro Qasa, Israa’iilna weli ma aysan go’aansan in ay diyaar u tahay inay sidaas sameyso,”

Sida ay wakaaladdu soo xigatay, sarkaal kale oo Falastiini ah ayaa sheegay in wada-xaajoodyadu ay wajahayaan caqabado, sababtoo ah Israa’iil waxay diidaysaa inay go’aansato xabbad-joojin dhammaystiran, laakiin wuxuu intaas ku daray in wafdiga Xamaas ay weli ku sugan yihiin Qaahira iyagoo rajeynaya in dhexdhexaadiyeyaasha ay ku cadaadin karaan Israa’iil inay beddesho mowqifkeeda. .

Israa’iil waxay doonaysaa in heshiis lagu sii daayo ugu yaraan 130 ka mid ah maxaabiista Xamaas ay haysay, balse way ka warwareegtay inay ballan qaado heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

Xamaas waxay doonaysaa xabbad-joojin joogto ah iyo dammaanad qaad ah in Israa’iil aysan ku duuli doonin Rafah, taasoo hoy u ah ilaa 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay dagaalka toddobada bilood ah socda.

RW Netanyahu ayaa xusay in Israa’iil aysan aqbali doonin dalabaadka Xamaas ee ah in la joojiyo dagaalka, lagana saaro ciidamada Qasa

- Advertisement -