Labo Ruux oo Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa Xaafad katirsan Degmada Xamar Wene ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen labo wiil oo dhalinaro ah oo la sheegay in ay kamid ahaayeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in koox biskoolado ku hubeesneyd toogteen labadan nin kadibna goobta ka baxsadeen, waxaana dilka kadib goobtaasi gaaray ciidamo katirsan Nabad sugida kuwaa oo sameeyay baaritaano.

War lagu soo qoray Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab caawa Xamar Weyne ku dileen labo sargaal oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, mana jiro cid xaqiijisa ragan la dilay in a ahaayeen Saraakiil katirsan Nabad Sugida.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto  ciidamada dowlada iyo dad kale oo u shaqeeya hay’adaha Dowlada , waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -