Sidee Mareykanka & xulafaddiisa uga fal celiyeen duulaanka Iran ku qaaday Israel?

Kadib weerarka ay caawa Iiraan ku qaaday Israa’iil, waddamada dunida ayaa siyaabo kala duwan uga faceliyay, gaar ahaan kuwa bariga dhexe.

Dalalka Joordan iyo Ciraaq ayaa hawadooda xirtay.

Iiraan ayaa boqollaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ku weerartay Israa’iil.

Waddamada reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarka ay Iiraan ku qaaday Israaiil.

UK waxay cambaareysay weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil, Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa ku yiri bayaan la soo dhigay barta X.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka aan ka fiirsiga lahayn ee taliska Iran uu ku qaaday Israa’iil. Iran waxa ay mar kale muujisay in ay damacsan tahay in ay qas ka abuurto gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka Sunak.

“Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa inuu u istaago ilaalinta amniga Israa’iil iyo kan dhammaan saaxiibadayada gobolka, oo ay ku jiraan Urdun iyo Ciraaq,Annaga oo garabsanna xulafadayada, waxaan si degdeg ah uga shaqeyneynaa sidii aan xaaladda u dejin lahayn, loogana hortagi lahaa in ay sii xumaato. Qofna ma rabo inuu arko dhiig kale oo daata.” ayuu yiri Sunak.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hadda kula kulansan kooxdiisa amniga qaranka qolka xaaladda deg deg ah ee Aqalka Cad si uu u qiimeeyo weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, isagoo horeyna u balan qaaday iney difaaci doonaan Israel

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Stéphane Séjourné ayaa isna si kulul u cambaareeyay weerarka Iran ku qaaday Israa’iil, wuxuuna ku celceliyay midnimada Faransiiska iyo “sida ay uga go’an tahay amniga Israa’iil”.

Dhanka kale, Netherland ayaa sheegtay in xaaladda Bariga Dhexe ay tahay mid aad looga walaaco ka dib markii Iran ay qaaday weerarka.

Raiisel wasaaraha Holland Mark Rutte  ayaa sheegay  in horaantii sabtida, Nederland iyo wadamada kale ay u sheegeen Iran cod dheer inay ka fogaato inay weerarto Israel.

Weerarkan ayaa daba socda kadib markii ay Iiraan wacad ku martay inay uga aargudan doonto wax ay ugu yeedhay weerar ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq 1-dii Abriil oo ay ku dishay toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jiraan laba taliye sare. Israa’iil ma xaqiijin mana beenin mas’uuliyadda weerarkaas.

- Advertisement -