Sacuudiga oo Dhax dhaxaadinaya dowladaha Jabuuti iyo Eritrea (Daawo Sawirada)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in ay ku dhax dhaxaadiso dowladaha Jabuuti iyo Eritrea oo u dhaxeeyo colaad xoogan oo salka ku heysa dhinaca xuduuda.

Magaalada Jiddah waxaa shalay heshiis nabadeed ku kala saxiixday dowladaha Eritrea iyo Itoobiya, waxaana saxiixa heshiiskan goob joog ka ahaa Boqorka Sacuudiga iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sacuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea oo lagu dhameeyay colaad 20 sano labadaasi dal u dhaxeesay, wxaa ayna Sacuudiga hadana doonayaan in ay heshiisiiyaan Jabuuti iyo Eritrea.

Waxaa maanta magaalada Jiddah gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle , waxaana Madaxweyne Geelle kulan gaar ah la qaatay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Boqorka Sacuudiga ayaa wada dadaalo uu ku kulansiinayo Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Eretria oo labaduba hada kuwada sugan magaalada Jiddah, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne yeeshaan kulan taariikhi ah.

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa saameyn balaaran ku yeelanaya wadamada geeska Afrika,. waxa aya labada wadan ka shaqeeyeen heshiiskii lagu xaliyay colaadii u dhaxeesay Itoobiya iyo Eritrea.

 

- Advertisement -