Madaxweyne Musaveni oo hal arrin ku amaanay dhigiisa Xasan Shiikh (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay  dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto argagixisada iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka Alshabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada sifeynta Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka argagixisada si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -