Aisa Kirabo oo loo soo magacaabay xil cusub oo ay ka qabaneyso dalka Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , António Guterres ayaa u soo magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Aisa Kirabo Kacyira oo u dhalatay dalka Rwanda in ay noqoto  madaxa xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya.

Qoraal lagu baahiyay xarunta wararka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay Aisa Kirabo Kacyira ay noqoneyso madaxa cusub ee xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya, waxa ayna xilkan kala wareegeysaa Lisa Filipetto oo u dhalatay dalka Australia.

Haweeneydan u dhalatay dalka Rwanda ee loo magacaabay madaxa xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya ayaa ah diblumaasiyad xilal kala duwan soo qabatay, waxa ayna horey usoo noqotay guddoomiye gobol katirsan dalka Rwanda iyo duqa caasimadda ee Kigali.

Aisa Kirabo Kacyira waxa ay leedahay khibrad in ka badan 30 sanno ee dhinacyada diblomaasiyada , arrimaha bulshada,siyaasadda, hoggaaminta arrimaha horumarinta iyo taageerada samafalka ee heerarka maxali, Qaran iyo caalami.

Madaxa xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya waxaa horey u aheyd Lisa Filipetto oo u dhalatay dalka Australia, taasi oo xafiiskan madax ka aheyd  tan iyo bishii February 8-dii ee sanadkii 2018-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -