Mareykanka oo Shaaciyay tirada duqeymaha uu Soomaaliya ka geestay 2022-kii iyo khasaaraha ka dhashay

Dowladda Mareykanka oo kamid ah dowladaha caalamka ee sida weyn Soomaaliya uga taageerta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa shaacisay tirada duqeymaha ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen sannadkii dhammaaday ee 2022-kii.

War kasoo baxay taliska ciidamadda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Soomaaliya sannadkii tagay ka fuliyeen 15-duqeyn oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ahaayeen kuwa lagu taageerayay ciidanka Soomaaliya, waxa ayna shaaciyeen in duqeymahaasi lagu dilay 100- dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo isku dayay in weeraro fuliyaan.

Warka kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay sannadkii tagay ka fuliyeen Soomaaliya aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeymo badan oo dhinaca cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi qaarkood lagu dilay hoggaamiyaal sar sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -