Xubin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo iska dhiibay gobolka Hiiraan (Sawirro)

Xubin ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada DF ee ku sugan gobolka Hiiraan sida ay baahisay warbaahinta dowlada

Cabdi Xasan Ibraahim oo xiriir la sameeyey ka dibna isku dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degaanka Tarajanta oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida uu sheegay Cabdi wuxuu Al-Shabaab ka tirsanaa 6-sano, isagoo ahaa darawal u wada gaadiidka ay kooxdaas isticmaasho qaarkood.

Xoogaga Al-shabaab oo weli qeybo yar yar ka jooga gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxaa saaran cadaadis xoogan oo qaarkood ku qasbay iney isku dhiibaan ciidamada dowlada.

Ciidamada DF ayaa sheegay xalay in koox ka tirsan al-Shabaab oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ay iska soo dhiibeen gobolka Sh/dhexe.

Macalin Xudeyfa ayaa horkacayay dagaaladii dhowaan ka dhacay gobolka Shabeelaha dhexe sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada warfaafinta DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -