Sheekh Aadan Madoobe oo kala hadlay Kate Foster Shirka Baydhabo ka furmaya (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  kulan la qaatay danjiraha dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Amb. Kate Foster ayaa Guddoomiyaha Golaha la wadaagtay in dowladooda ay si weyn u soo dhaweyneyso shirka dib u heshiisiinta uu ku baaqay Guddoomiyaha oo dhowaan la filayo inuu ka dhaco magalada Baydhabo.  Sidoo kale Marwo Kate ayaa sheegtay in ay taageerayaan horumarinta Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada dowladda Ingiriiska ay ku taageereyso dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaaga shirka dib u heshiisiinta degaannada Koonfur Galbeed.

Shir dib u heshiisiin ah ay isugu imaanayaan siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Baydhabo, shirkan ayaana looga hadli doonaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasiyiinta u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -