Deni oo kormeer kedis ah ku tagay xarumo ku yaalla Garoowe (Muxuu ku soo arkay)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Maamulkiisa sida  Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Xafiiska Hanti dhowrka guud, Guddiga Qandaraasyada iyo Wakaalada Biyaha ee Dowladda Puntland.

Deni ayaa u kuurgalay sida ay u socdaan shaqooyinka Dowliga ah iyo adeega Dowladnimo ee loo hayo Bulshada isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray. Madaxweynaha ayaa kulan uu la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, kadib wuxuu amar Madaxweyne ku joojiyay iibinta Buugaagta Manhajka Waxbarasho ee ardeyda Dugsiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo oo la saxayo khaladaadka hadda jira.

Xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka mid ahayd xarumaha uu kormeeray Madaxweynuhu wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, sidoo kale Madaxweynaha ayaa Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga xiriirka Caalamiga ah, halkaasi oo uu warbixin uga dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, Iyadoo Kulanka Wasaaradda qorsheynta looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomay, oo ay ugu horeyso qorshaha horumarinta Korontada. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu kormeeray Wakaalada Biyaha ee Dowladda Puntland, Agaasinka Wakaaladda iyo Injineerada xarunta ayuu Madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin ku saabsan Howlaha Ceelal qodista ee Wakaaladu waday iyo  sidii biyo ku filan dadku u heli lahaayeen madaama xili abaar ah lagu jiro.

Xarumaha kale ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Xafiiska Guddiga Qandaraasyada, Masuuliyiinta xarumahan ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixino dhameystiran oo ku saabsan shaqooyinka ay hayaan iyo kuwa u qorsheysan.

 

- Advertisement -