Madaxtooyada oo Faah faahisay ujeedka Safarka Xasan Sheekh ugu baxay Imaaraadka (Sawirro)

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta uu qaadan doono labo maalmood uuna la kulmo doono madaxda dalkaasi.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale warka kasoo baxay lagu sheegay in safarka Madaxweynaha ku qotomo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Safarkan Madaxweynaha goordhaw ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu dibadda ku aado markii dib loo doortay, waxaana safarkan kusoo aadayaa xilli xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo horey u xumaaday uu soo hagaagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -