Farmaajo oo shaaciyay Sababta ku kaliftay in mar kale isku soo sharaxo Madaxweyne

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muuqaal uu xalay soo duubay ku shaaciyay in uu mar kale u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in sababta mar kale isugu soo taagay qabashada xilka Madaxweynaha ay tahay codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan in mar kale isku sharaxo qabashada xilka dalka ugu sareeya.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in xildhibaanada iyaga matala ka codsadaan in ay codkooda siiyaan, waxa uuna ballan qaaday haddii mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu qaban doono wax badan oo loo riyaaqi doono.

Madaxweyne Farmnaajo ayaa sidoo kale ku faanay intii uu tallada hayay in dowladdiisa wax badan qabatay, waxa uuna mar kale sheegay in shaqadii lasoo qabtay loo baahan yahay in halkeeda laga sii wado.

Shacabka Soomaaliyeed oo horey Farmaajo ugu qabay jaceyl una hayay taageero badan ayaa hada u muuqda kuwa aan la dhacsaneyn hab maamulkiisa, waxa ayna inta badan shacabka Soomaaliyeed taageersan yihiin isbadal hoggaamineed oo dalka ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -