(Sawirro) Shariif Xassan oo Saddex sano ka dib ku laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa saddex sano ka dib ku laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Shariif Xassan ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Baydhabo ku soo dhoweeyey siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada gobolka Bay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa xafiiiskiisa kula kulmay Shariif Xassan iyo xubnaha la socday.

“Alxamdu lillaah waxaan maanta Nabad ku soo gaarey caasimada ku meel-gaar Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, oo aan ka maqanaa Muddo 3 Sanno ah, waxaan halkan ugu mahadcelinayaa Shacabka Reer Baydhabo iyo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Abdi Asiis Hassan Mahamed laftagaren soo dhowayntii quruxda badneyd ee ay maanta Aniga & wafdigayga noogu sameeyeen Shaati Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa lagu qasbay saddex sano ka hor inuusan isku soo taagin doorashada Madaxweynaha Koonfur galbeed ka dib cadaadis kaga yimid dowlada dhexe, waxaana ka dib rabshado uu dhiig ku daatay oo ka dhacay Baydhabo ka dib madaxweynaha Koonfur galbeed loo doortay C/casiis Laftagareen oo ay wadatay DF.

- Advertisement -