Kheyre oo wax laga weediiyay Caruur Norwey laga waday oo la sheegay in Somalia lagu dhibaateeyay

Saxaafada Norway ayaa in badan qoraysay in Soomaalida kunool dalkaasi Caruurtooda  dugusi Quraan ugu diraan Soomaaliya halkaasna Lagu jirdilo, iyagoona wareestay Caruur badan oo kasoo fakaday dugsiyadaas isla markaana Safaaradaha Norway kusoo celiyeen Norway .

Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo waraysi Siiyay Tv Qaranka Norway NRK ayaa sheegay in dowlada Somalia ay Baaritaan dhab ah ku sameyn doonto caruurta Norwey laga waday ee la sheegay in lagu jirdilay Dugsiyo kuyaala Soomaaliya isla markaasna Waxii kasoo baxa ay lawadaagi doonto dowlada Norway .

“Waxaan bilownay Baaritaan ku saabsan Kiiskaan Markii dowlada Norway Nala soo Xariirtay ,Waxaana Sameyn doonaa Wax kasta oo loo baahan yahay Si Caruurtu ay u helaan Xuquuqdooda Somalia iyo Norwayba” Ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Xassan Kheyre ayaa la weydiiyay Siday ay la tahay dooda ku saabsan Caruurta Dugsi Quraanka loo diro oo Saaxafada Norway hadal heyso maadaama uu Qudhiisa uu yahay Somali Norweejiyaan

“Waxaan Raysal Wasaare u ahay dal ubaaahan in Wax badan dareen loo yeesho oo 24 saac aysan kugu filneyn, Sidaas darteed Waxbadan kalama Socdo, lakin intaan ka ogahay waxaan ka helay dowlada Norway oo wada shaqayn fiican naga dhexayso , sidaas Darteed Waan hubi doonaa Arinkaan Anagoo u marayna Wadada Saxda ah”

Telefishinka dalka Norwey ee  NRK ayaa horay usoo ban dhigay Caruur lagu celiyay Soomaaliya oo qaarkood sheegeen in lagu jir dilay Xarumihii lagu baraayay Qaraanka ee gudaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka qayb galaya Madasha Oslo ( Oslo Forum) ayaa sidoo kale u sheegay TV NRK in Dowladiisu ay Sameysay hormar ay kamid tahay Deganaasho Siyaasadeed iyo in dhaqaalaha dalka ay kor usoo qaaday.

W/Turjumay: Mahamud Igale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -