Danjirihii hore ee Maraykanka oo ka hadlay sida Somaliland ku heli karto aqoonsi

Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Somalia Mr. Stephen M. Schwartz ayaa ka hadlay sida ugu haboon ee Maamulka Somaliland ku heli karo aqoonsi caalami ah.

Waxaa uu sheegay in Somaliland Muddadii 30-ka sano ahayd ee u dambeysay ay ku talaabsatay horumar dhinacyo badan oo loo baahan yahay in la xoojiyo.

“Somaliland waxay qabatay shaqo weyn, maalgelin iyo joogtaynta dhammaan hawlaha dawladda. Sidaas darteed, qof kasta oo doonaya inuu ganacsi la sameeyo Somaliland waa inuu la macaamilaa maamulkeeda” ayuu yiri Stephen M. Schwartz.

Waxaa uu xusay in madax banaanida Somaliland ay caalamka aqoonsi kaga heli karto haddii ay qaado hal talaabo.

“In madax-bannaanida Somaliland caalamku aqoonsado, ayaa sida cad mudnaanta koowaad u ahayd  mas’uuliyiinta Somaliland, muddo 30 sano ah. Aragtidayda, waa in sida ugu wanaagsan ee loo fulin karo ay tahay wadahadal oo lala galo dawladda Soomaaliya.”

Mr. Schwartz oo hadalkiisa sii wata ayaa bixiyey Tusaaleyaal arrintan ku saabsan.

“Dawladaha cusub ee aqoosniga ka helay Qaramada Midoobay dhamaantood go’aaminta ugu dambaysa ee aqoonsigooda caalamiga ah, waxay ku heleen oggolaanshaha dawladihii hore ay uga tirsanaayeen, sida Itoobiya oo ogolaatay madax-bannaanida Eritrea, Sudan waxay ogolaatay Koonfurta Suudaan, Indonesia waxay oggolaatay Timor Leste, Serbia waxay oggolaatay Montenegro.” ayuu yiri Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Somalia Mr. Stephen M. Schwartz.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -