Heyadaha amaanka DF oo amray dayuuradaha inaysan dalka keeni karin Fahad Yaasiin

Ilo-wareedyo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo diiday in magacooda la sheego ayaa Idaacadda VOA u sheegay in laamaha amniga Soomalaiya ay amreen in Fahad Yaasiin aysan dayuuraduhu keeni karin Muqdishu.

Waxay ku eedeeyen inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof oo saarnaa diyaaradda Turkish Airlines ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan iman karin Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diiday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaan halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowday oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xirtay taiyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood. Waxa u sheegya in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka ku xadgudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -