Wariye aflagaadeeyay Madaxweyne oo xukun Xabsi iyo Ganaax lacageed lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Belarus ayaa xukun xabsi ah iyo ganaax  lacageed ku riday Wariye Siyarhey Hardaziyefej oo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Madaxweynaha dalkaasi Aleskandr Lukashenko.

Xeer beegtida Maxkamada ayaa kusoo eedeeyay wariyahan 50-sano jirka ah in qoraal uu ku aflagaadeenayo Madaxweynaha ku qoray baraha bulshada kadibna uu tir tiray Qoraalkaasi sida maxkamada laga hor sheegay.

Maxkamada dacwada kiiskan qaadeysay ayaa ugu dambeyn Weriye Siyarhey Hardaziyefej oo 50 jir ku riday 18-bilood oo xabsi ah iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaareysa 1,600 oo Dollar.

Xukunka xabsiga ah ee lagu riday Wariyahan caanka ka ahaa dalka Belarus ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay ururka Suxufiyiinta dalkaasi iyo sidoo kale Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda kuwaa oo ku tilmaamay xukunka lagu riday mid sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -