Madaxweyne Afrikan ah oo carooday kadib markii uu waayay Cumputerkiisa gacanta

Madaxweynaha dalka Koonfur Africa, Cyril Ramaphosa , ayaa aad u jahwareeray sidoo kale carooday kadib markii uu waayay Cumputerkiisa gacanta xili uu khudbad ka jeedin rabay goob munaasabad ah.

Cyril Ramaphosa, oo ku sugnaa goob xaflad ah ayaa khudbada uu halkaasi ka jeedin lahaa waxa ay ugu keedsaneed cumputerkiisa gacanta, balse si lama filaan ah ayuu u waayay Cumputerka marka uu yimid masraxii uu khudbada ka jeedin lahaa.

Muuqaal lasoo duubay ayaa laga dhax arkayay Madaxweynaha oo xogheyntiisa gaarka ah weediinaya halka uu yaalo cumputerkiisa, waxaana madaxweynaha oo dareenkiisa isbadalay ku cel celiyay in uu rabo cumputerka uuna doonayo cumputerkiisa..

“tani waa dhibaato mar kasta jirta, taasoo ah inaad u dhiibtaan computer-kiina dad kale”.“Way xadeen..waxaan ku heystay gacan teyda, waana la ayay,” ayuu yiri madaxweynaha oo canaanadaya xogheyntiisa gaarka ah.

Muuqaalka dhacdadan laga duubay ayaana si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana dadka qaarkiisa ku maadeesanayeen Madaxweynaha halka kuwa kalana dhaliilayeen xogheynta Madaxweynaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -