Kenya oo Talaabo cajiib ah ka qaaday dad jabiyay xeerarka ka hortagga Karoona (Sawirro)

Dowlada Kenya ayaa xir xirtay dad lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka kahor taga Covid-19 oo horey dowlada usoo saartay, waxaana dadkan dowlada amartay in lagu xaaqo wadooyinka soo dhaweeyay dadka Kenyanka ah.

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi oo shalay la geeyay 57-qof oo loo heestay in ay jabiyeen xeerarka kahor taga Covid-19 ayaa maxkamada ku riday in ay xaaqaan wadooyinka magaalada Nairobi.

Maamulka dowladda hoose ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in dadkan maxkamada ku xukuntay in ay xaaqaan wadooyinka mudo todobaad ah ay shaqeyn doonaan laga bilaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.

War kasoo baxay maamulka dowlada hoose ee Nairobi ayaa lagu sheegay dadka aan qaban shaqadan wado xaaqista in la xirayo lana horgeyn doono maxkamad si xukun kale loogu rido.

Xukunkan wado xaaqista ah ee lagu riday dadkan u dhashay Kenya ayaana hadal heyn badan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, waxa ayna dadka badi bogaadiyeen talaabadan ay sheegeen in ay tahay mid loo baahan yahay si loo dhooro xeerka kahortaga Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -