Cabdirashiid Janan oo ka hadlay Wararka sheegaya in Heshiis la galay Dowlada Federaalka

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Wasiirkii amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan uu heshiis la galay Dowlada federaalka lagana yaabo in uu tago saacadaha soo aadan degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya degmada Baled Xaawo ayaana sheegaya in wadahadlo hoose oo socday maalmihii lasoo dhaafay hada marayaan heer gabo gabo ah ayna u badan tahay in Wasiir Janan kasoo goosto Axmed Madoobe lana heshiiyo dowlada Federaalka.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa qiray in wadahadalo hoose u socdaan dowlada federaalka, waxa uuna beeniyay in uu jiro heshiis uu hada la gaaray dowlada.

Cabdirashiid Janan oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland ayaa marar badan kula dagaalamay degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxa uuna mudooyinkii dambe saldhig u ahaa degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Wadahadalada hoose ee u socda Cabdirashiid Janan iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay dhabar jab xoogan ku noqon doontaa Madaxweynaha Jubbaland oo gabi ahaan weyn doona gacan ku heynta gobolka Gedo oo inta badan hada DF maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -