Mashruucii Trump hubka uga iibinayey Sacuudiga & Imaaraatka oo la hakiyay

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka walaacsan go’aan kasoo baxay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden oo hakiyay mashruuc Sacuudiga iyo Imaaraadka hub kala duwan looga iibin lahaa.

Mashruuca hubka looga iibin lahaa Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa horey u meel mariyay dowladii uu Trump hogaaminayay kadib markii dowladahan buuxiyeen shuruudo uu horey Trump ugu xiray.

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaana ka dalbaday Mareykanka in laga iibiyo hub casri ah ay ku jiraan diyaaradaha F-35 iyo gantaalada casriga ah , waxaana labada dhinac ka heshiiyeen iibka hubkan , waxaana hada saameyn ku yeeshay isbadalka ka dhacay USA.

Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibada Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in la hakiyey mashaariicdaan si dib u eegis loogu sameeyo inay saameyn ku yeelan karaan siyaasadooda ku aadan Barriga Dhexe iyo danaha Maraykanka ka leeyahay mustaqbalka gobalka.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa xiligii uu ololaha ku jiray balan qaaday in uu isbadal ku sameyn doono siyaasadii Trump sidoo kale il gaar ah ku eegi doono xaalada bariga dhaxe gaar ahaan dagaalka Yemen ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -