Gudoomiye Caano Boore oo xilka u kala wareejiyay Taliyaal la isku bedelay (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud(Caana Boro) ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Hogaanka cusub ee Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar .
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana dhawaan xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar isagoona magacaabay Taliye cusub.
 
Cabdiqaadir Caana Boore ayaa xil wareejinta kadib sheegay in taliyihii hore ee ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar shaqo badan soo qabtay, waxa uuna taliyaha cusub kula dar daarmay in halkiisa kasii wado shaqada ciidanka.
 
Munaasabada xil wareejinta taliyaasha Waxaa goob joog ka ahaa  taliyiha laanta ilaalinta Canshuuraha bariga Jeneraal Bariise ,Gudoomiye ku-xigeenka arimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaal Degmo

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -