Dayuuradda 737 MAX oo ku dhowaad 2 sano ka dib sameysay duulimaadkii ugu horeeyey

Dayuuradda rakaabka qaada ee nooceedu yahay 737 MAX ee ay sameysay shirkadda Boeing ayaa dib u billowday duullimaadyada rakaabka ee gudaha dalka Mareykanka.

Dayuuradahan midkood oo ay ku xardhan yihiin calaamadaha shirkadda American Airlines ayaa sameysay duullimaad isaga kala gooshay magaalooyinka Miami iyo New York.

Waxaa duullimaadyada laga joojiyay dayuuradan bishii March ee sanadkii 2019-kii kaddib markii ay labo shil dhaceen shan bilood gudahood.

Waaxda duulista hawada ee Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay mamnuucistii ka qaadday diyaaradda noocaas ah kaddib markii shirkadda soo saarta ee Boeing ay aqbashay shuruudaha cusub ee badbaadada.

Duullimaadkii shirkadda diyaaradaha Lion Air ee uu lambarkiisa ahaa 610 ayaa burburay kaddib markii ay kasoo kacday garoonka magaalada Jakarta, bishii October ee sanadkii 2018, iyadoo shilkii labaadna ay gashay dayuurad ay laheyd shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines kaasoo buburay kaddib markii bishii March ee sanadkii 2019-kii ay diyaaradda ka duushay garoonka magaalada Addis Ababa, illaa 346 ruux ayaa ku dhintay labadaas shil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -