Dowlad howlgelisay 100 kun oo askari, sababo la xiriira bandowga COVID-19

Dowlada Faransiiska ayaa isku dubariday 100,000 oo boolis ah si ay u kala eryaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqan galiyaan bandowga dalkaas ee cudurka Covid-19 la xiriira.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska GĆ©rald Darmanin ayaa amray in bartamaha magaalooyinka la geeyo ciidamo muuqan kara laga bilaabo fiidnimadii xalay oo waqtiga uu bandowga bilaabanayo ku beegan.

Sida dalalka kale ee Yurub, Faransiiska ayaanan looga dabaaldegin dhalashada sanadka cusub xilli uu jiro cudurka safmarka ah.

Magaalada Paris kala bar khadadka tareennada ayaa waxaa la xiri doonaa fiidkii, halka Mr Darmanin uu sidoo kale waydiistay in guud ahaan dalka oo dhan laga hakiyo gaadiidka dadweynaha.

Faransiiska ayaa waxa uu xaqiijiyay in 2.6 milyan oo xaaladood oo fayraska korona ah, tiradaas oo ah tan shanaad ee ugu badan caalamka, halka dhimashaduna ay ka badan tahay 64,000 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -