Meydadka sadex nin oo saakay lagu arkay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay wado kutaala Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu arkay meydadka sadex nin oo la sheegay in ay ku geeriyoodeen qarax miino oo halkaasi ay ku aasayeen.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay idaacad kutaala magaalada Muqdisho in xalay saqdii dhaxe ay maqleen qarax miino ayna saakay markii ay soo tooseen arkeen meydadka sadex nin oo taala goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida Soomaaliya oo saakay gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ugu tagay meydadka sedexda nin ee la sheegay in ay ku qaraxday miinadii ay aasayeen.

Qaraxyada miino ayaa inta badan ka dhaca wadooyinka kuyaala degmooyinka Hiliwaa iyo Yaqshiid, waxaana qaraxyadan oo mararka qaar waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah lala eegtaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee agaasi mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -