Maamulka Jaamacadda Benaadir oo deeq dawo ah gaarsiiyey Isbitaalka deg. Afgooye

Maamulka Jaamacadda Benaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq daawo ah gaarsiiyey Isbitaalka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Deeqdan ayaa ka koobaneyd 47 nooc oo isugu jiray dawooyin kala duwan iyo maro kaneecooyin loogu talo galay in looga gaashaanto faafida cudurka Malaariyada

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo ay wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenada Jaamacadda ee dhinaca Maaliyadda & Waxbarashada Dr. C/raxmaan Xasan Cumar iyo Khaliif Muuse Warsame ayaa waxaa deeqdan ka guddoomay agaasimaha Isbitaalka Afgooye Nuur Cumar Mayow.

Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir oo ka hadlay Munaasabadan ayaa sheegay in deeqdan ay ku tabaruceen Maamulka, Mu’asasada iyo ardayda Jaamacada Benaadir, ayna ugu talo galeen in wax loogu qabto xaaladaha Caafimaad ee heysta shacabka degmada Afgooye oo dhowaan ay ku dhufteen fatahaado uu sameeyey webiga Shabelle.

“Maamulka, Mu’asasada iyo ardayda Jaamacadda Benaadir, waxay mar kasta diyaar u yihiin iney shacabka walaalahood ah ee degmada Afgooye la qeybsadaan culeys walba oo soo kordha, horeyna xiriir joogto ah ayaa nooga dhexeeyey mana ahan markii ugu horeysay ee deeq noocan ah ay Jaamacadu keento degmada, mana noqon doonto tii u dambeysay” ayuu yiri Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday).

Agaasimaha Isbitaalka Afgooye Nuur Cumar Mayow oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ka mahad celiyey deeqda ay isbitaalka gaarsiisay Jaamacada Benaadir, isagoo xusay iney ku soo aaday xili baahi badan ay ka jirto isbitaalka oo uu xusay in adeegyo Caafimaad oo bilaash ah uu siiyo shacabka ku dhaqan degmadaas iyo degaanada hoos yimaada.

Nuur Cumar Mayow ayaa dhinaca kale faahfaahin ka siiyey Maamulka Jaamacada Benaadir xaaladaha caafimaad ee ka jira degmada Afgooye iyo saaameynta ka dhalatay fatahaadii dhowaan ka dhacday degmadaas oo uu sheegay iney dhibaatooyin badan horseeday.

Wafdiga ka socday Jaamacadda Benaadir ayaa intii ay joogeen Isbitaalka degmada Afgooye waxay kormeereen qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka sida qeybta gargaarka deg deg ah, haweenka, MCH-ka, Sheybaarka, Qaliinka iyo kuwo kale, waxaana qeyb walba warbixin ku siinayey agaasimaha iyo masuuliyiinta Isbitaalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa ka dib kulan gaar ah la qaatay Maamulka Isbitaalka Afgooye iyo Waxgarad ka tirsan odayaasha iyo ganacsatada degmada Afgooye, kaasoo looga hadlay sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iwm, waxaana sidoo kale wafdiga Jaamacada Benaadir uu booqday intii uu ku sugnaa degmadaas dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee Al-Qaasimi, iyagoo hadalo dardaaran ah oo ku saabsan xoojinta Waxbarashada u jeediyey qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
 

 

- Advertisement -