Gaari ciidan oo Caruur Dugsiley ah dhimasho iyo dhaawac ugu geystay Muqdisho

Gaari ay leeyihiin ciidamada dowlada ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ku jiiray caruur wax ka barata mid ka mid ah dugsiyada Quraanka magaalada.

Shilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada gasha xarunta Maamulka G/Banaadir ka dib markii gaari noociisu ahaa kuwa Cabdi Bilaha Soomaalidu u taqaano oo xawaare sare ku socday uu jiiray caruurta wadada socotay.

Mid ka mid ah caruurtaas ayaa la sheegay inuu ku dhintay shilkan, halka mid kale gabar aheyd ay dhaawacantay waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka sida dad goob joogayaal ay warbaahinta u sheegeen.

Dadweyne ku sugnaa goobta ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey cariurta waxyeeladu soo gaartay oo xiligaas ka yimid dugsi quraan ay wax ka bartaan kuna socday guryahooda.

Ciidamada Booliska DF oo iyana goobtaas gaaray daqiiqado ka dib ayaa halkaas xiray.

Gaadiidka ay wataan ciidamada DF ayaa marka ay marayaan jidadka magaalada Muqdisho ku socda Xawaare aad u sareeya oo mararka qaarkood sababa shilal noocan oo kale, iyagoo aan u aabe yeelin gaadiidka iyo dadka kale ee wadada la isticmaalaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -