Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ibraahim Cusmaan oo loo Magacaabay inuu naqdo Madaxweyne ku-xigeen

Gudiga Xiriirinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad degaana Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa go’aamiyay in Ibraahim Cismaan uu noqdo Madaxwayne ku-xigeenka DDS.

Masuulkan cusub ayaa bedelaya Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida oo loo doortay dhowaan gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya.

Sidoo kalena afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowlad degaana Soomaalida ayaa loo magacaabay  Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela)

Golaha Baarlamaanka dowlad degaana Soomaalida ayaa la horgeyn doonaa xubnaha la magacaabay kuwaasoo loo dhaarin doono xilalka marka goluhu ay siiyaan codka kalsoonida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo xero milatari booqday amaana u jeediyay ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda Ee Sannadka 2019 (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hotel ku yaalla degmada Baraawe oo la weeraray iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---