Wasiir ka tirsan Jubbaland oo geeriyooday & Axmed Madoobe oo ka hadlay

Allaha u naxariistee wasiirkii wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa fiidnimada caawa ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay.

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland AYAA waxay tacsi tiiraanyo leh u direen qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ahaa masuul firfircon oo si daacadnimo ah ugu soo shaqeeyey bulshadiisa, wax badana ka soo qabtay horumarinta waxbarashada degaanada Jubbaland, isagoo ALLE uga baryey inuu janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -