Dab caawa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dab aad u xooggan ayaa caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabka uu yahay mid si deg deg ah u faafaya, ayna illaa hadda ku basbeeleen dukaamo, carwooyin iyo dhismeyaal kale oo ku yaalla Isgoyska.

“Waxaan ka cabsi qabnaa in dabku uu sii fido oo uu khasaare kale geysto, wuxuu ku sii siqayaa goobo kale oo ganacsi xaaladuna waa mid adag” ayuu yiri goob jooge la hadlay allbanaadir Online.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dabku uu ka bilowday Hotel la yiraahdo Rihaam oo halkaas ku yaalla qeybtiisa Maqaayadda uu ku sii faafay goobo badan oo ganacsi.

Gaadiidka dab demiska Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray goobtaas kuwaasoo wada dedaalo ay ku daminayaan dabkaasi oo weli si xowli ah u socda.

Weli lama oga sababta dhalisay Dabkan iyo khasaaraha hantida ku gubatay inta ay gaarsiisan tahay, lamana soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay illaa hadda.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -