Madaxweyne Qoorqoor oo Magacaabay guddi ka kooban 5 Wasaaradood (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne;

Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daadadka Guā€™ga;

Markuu tixgaliyey:Ā  In wali lagu jiro xilli roobaadkii Guā€™ga, iyo in ay soo laaban karaan daadad nuucaas oo kale ah;

Wuxuu Xeeriyey

Qodobka 1aad

Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Ka hortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah:

  1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
  2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
  3. Wasaaradda Maaliyadda
  4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
  5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska.

Qodobka 2aad

  1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku beelay roobabkii xoogganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.
  2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hayā€™adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -